Waxaa Garoonka Muqdisho laga soo dejiyey 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaasoo maanta dalkooda dib loogu soo celiyay, ka dib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxootiga ku ahaayeen.
Dadkan oo isugu jiray Caruur, Dumar, Waayeel iyo dhallinyaro ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, UNHCR iyo IOM Xafiisyadooda Soomaaliya.
Muwaadiniinta dalkooda ku soo laabtay ayaa sheegay inay la kulmeen daruufo badan oo aad u xooggan oo ay wajaheen intii ay joogeen xeryaha Qaxootiga Yemen.
Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliyeed oo dedaal ku bixisay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga dalkooda dib loogu soo celin lahaa.
Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa sheegtay inay dedaal badan ku bixinayaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, waxay gudoomiye Safiya xustay inay NCRI si dhaw ula socon doonta nolasha dadka dalka dib loogu soo celiyay.