Wareegtada Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024, ayuu xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland ugu magacaabay in uu noqdo Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed .
Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhigneed sida tan :
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.