Masuuliyiin heer deegaan ah iyo Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS ayaa odayaasha qaabillay. Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaana ka mahad-naqay sida wanaagsan ee loola tacaamulay iyo soodhaweynta loo sameeyay.
Odayaasha ayaa xusay in ay nabad qabaan guud ahaan oday-dhaqameedyadii halkaasi nabadaynta ujoogay. Bulshadana ugu baaqay inay ka taxadaraan wararka been-abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada oo ayna ku kadsoomin.”