Heemaal News Network

Garaad Cabdilaahi G Saleebaan G Maxamed oo Qado Sharaf ku Casuumay Wefdigii dhaqanka ee DDS.

Munaasabadan qada Sharfta ee lagu casuumay isimadda Dhaqanka ee DDS ayaa waxaa Goob joog ahaa G Cabdilaahi G Saleebaan G Maxamed, Iyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo masuuliyiin Sarsare oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karàsh.

Ergada nabada ee Isimadda Maamulka Soomaalida itoobiya ayaa mudadii ay joogeen kulamo la qaadanayay isimadda dhaqanka ee SSC, iyo Madaxda Maamulka Khaatumo.

Weftiga isimadda DDS ayaa u jeedka safarkoodu daarnaa dhexdhexaadin nabadeed oo u dalbaday Madaxwynaha Cusub ee Somaliland.