Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelenskyy inuu la kulmi doono cawaaqi xun iyo tallaabooyin lagu joojinayo koronta Ukraine — haddii uu isku dayo inuu waxyeeleeyo tuubooyinka gaaska ee Slovakia ay ka hesho Ruushka oo dhexmara Ukraine .
Haddii Ukraine ay joojiso gaaska Ruushka ee Slovakia, markaa waxay Slovakia la kulmaysa xaalad ku khasbaysa 500 milyan oo Yuuro inay ku bixiso hab kasta oo kale oo ay ku helaysa gaaska, waqtigan qaboobaha ah.
Robert Fico, wuxuu toddobaadkii hore ku tagay Moscow kulan lagu sheegay lama filaan , isagoo la kulmay Putin , markaa oo uu ku sheegay waddamada Yurub ee taageerraya Ukraine , kuwa aan lahayn ‘caqli ku filan’, wuxuuna usoo jeediyay inay joojiyaan taageerrada si loo joojiyo dagaalka.