Ninka dilka geestay oo lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa la sheegay in dilka xaaskiisa u adeegsaday toorey, waxaana gabadha ninkeeda dilay oo magaceeda lagu sheegay Fowsiya Cali Xaaji Shirwac uu ninkan ku dhuftay dhowr mar toorey sidaasna ku geeriyooday.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaana wararku sheegayaan in ay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigeen ninka gacankudhooglaha, booliiska ayaana wada baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah iyo waxa sababay in ninkan xaaskiisa si arxandarro ah u dilo.
Sida warar aan helnay sheegayaan laamanaha ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf markii dambe sababay in ninkan uu is xakameyn waayo naftana dhaafiyo xaaskiisa, waxaana dadkii meydka gabadha arkay sheegeen in dhowr mar toorey ku dhuftay.
Falalka argagaxa leh ee ka dhax dhaca lamaanayasha is qaba ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka, waxaana dhacdooyinkii ugu xumaa ee sannandkan dhacay kamid ahaa ninkii gubay xaaskiisa oo uur u laheyd.