Heemaal News Network

M/Deni Oo Isbitaalka ku Booqday Ciidankii Saaka ku Dhaawacmay Dagaalkii Buuraha Gal-gala.(Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa booqday qaar ka mid ah Askartii ku soo dhaawacantay weerarkii ka dhacay deegaanka Dharjaale ee Degmada Iskushuban oo ka tirsan Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.