Heemaal News Network

Deni Oo Magacaabay Guddiga Taakulaynta Ciidamada ku Dhaawacmay Dagaalkii Maanta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur

3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle

4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)

5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre

6. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.

7. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis. Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.
Fulin wacan,

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.