Ciidamada Somaliland ayaa madaarka Hargeysa ka xiray Niciima Abwaan Qorane oo hooyadeed safar caafimaad dalka dibadiisa uga soo celisay.
Hay’adda Garsoorka ayaa ii sheegay in aan Niciima wax waaran qabasho ahi ka ool madaarka ha yeeshe Korneyl Dabagale oo weli u jaariyadaynaya Korneyl Biixigii dhacay ayaa qafaashay Abwaanada.
Talaabadani waxay dhaawacaysa balanqaadkii Madaxwyne Cirro ee ahaa ixtiraamka kala fikir duwanaanshaha iyo xoriyatul-qawlka.
Niciima ayaa ka mid ahayd dhalinyarad reer Somaliland ee ka shaqaysa Madaxtooyada Somalia Gaar ahaan Xafiiska Raysal wasaaraha .