Hadalka dambe oo ay iskudayday warbaahinta Iran inay sharraxdo waxay ku sheegeen inuu yahay mid ku socda Ciraaq oo la kulmaysa cadaadis la doonayo in meesha laga saaro kooxaha ay Iran taageerto oo ay ugu horreeyaan ciidanka Hashd Al-Shaabi ee loo soo gaabiyo PMF.
Sidoo kale Iran oo xiganaysa booqashadii u dambeysay ee Ciraaq uu ku tagay 13 December,2024 — xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken inuu kala hadlay hoggaanka Ciraaq arrimo la xiriira mustaqbalka ciidanka PMF ee ay Iran taageerto iyo inan loo baahnayn inay joogitaan ku yeeshaan gudaha Ciraaq.