Waxaa xilalka loo kala bedelay agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada C/raxmaan Xudeyfi oo muddo gaaban xilkaas hayey iyo agaasimaha waaxda xiriirka Dadweynaha Maxamed Dugoow.
Mowliid Max’ed Xassan ayaa loo Magacaabay agaasimaha Waaxda la socodka iyo qiimeynta Villa Somalia.
Sidoo kale, Samatar Shariif Axmed ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda Iibka ee Madaxtooyada, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan waxaa Madaxtooyadu iibiso.
Ladan Cabdikhayr Cilmi ayaa iyana loo magacaabay agaasimaha waaxda Maamulka & Maaliyada ee Villa Somalia
Agaasimaha waaxda waaxda adeegga guud ee Villa Somalia ayaa waxaa isna loo magacaabay Xuseen Yuusuf Ladane.
Lama oga illaa hadda sababaha ay talaabadan u qaaday Villa Somalia iyo ujeedada laga leeyahay, mana jirto wax faahaahin ah oo ka soo baxday Madaxtooyada dalka.