Heemaal News Network

Xabad Kalluun ah Oo Lagu kala Iibsaday $1.3 milyan oo Dollar.!!!(Sawiro)

Maqaayadaha sameeya cunnada sushi ee magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa sheegay in lacag dhan 207m yen ($1.3m; £1m) ay ku iibsadeen kalluunka nooca tuunada bluefin

Kaluunkan oo cabbirkiisa dhan yahay mooto ayaa culeyskiisa waxaa uu gaaraya illaa 276kg waana noocyada ugu qaalisan kaluunka nooca loo yaqaano Tuna

Waa qiimihii labaad ee ugu badnaa ee abid lagu iibsado kalluun kadib tartanka sanadka cusub oo ka dhacay suuqa kalluunka Toyosu ee caasimadda Japan.

Onodera Group, oo ku guuleysatay tartanka, ayaa sheegtay in tuunada lagu iibin doono maqaayadaha qaar ayna iibsan karaan oo kaliya dadka maalqabeenka ah.