Mr. Gaur, ayaa ugu horeyn magaca dowladda Hindiya ku soo dhaweeyay danjiraha cusub.
Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa isna dhiniciisa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo kulanka gudbinta Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo.
Labada masuul ayaa inta uu kulan koodu socday is dhaafsaday xogaha labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya oo ay ka dhaxeeyaan taariikh diblomaasiyadeed oo qoto dheer iyo xidhiidh kale oo bulsho.
Labada masuul ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo sii xoojinta iyo sara uqaadida xiriirka labada dal.