Siciid Deni iyo Amb. Wang Yu , ayaa kulan gaar ah ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen horumarka ka jira deegaannada Puntland iyo sida Shiinaha maamulkaasi uga taageeri karo mashaariic.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa uga mahadceliyay safiirka Shiinaha booqashada uu ugu yimid magaalada Boosaaso, waxa uuna ka codsaday dowladda Shiinaha in maamulkiisa ka taageerto mashaariicyo waxtar u leh dadka iyo deegaannada Puntland.
Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland u dhaxeeyay ayaa go’ay labadii sano ee lasoo dhaafay , Madaxweynaha Puntland ayaana wakiiladda beesha caalamka si gaar ah ula kulmayay , isaga oo kala hadlayay xaaladaha ka jira Puntland iyo taageerada ay uga baahan yihiin.