Wuxuu taageerro ka heystay reer galbeedka uu ugu horreyo Mareykanka iyo Faransiiska oo taageerra militariga uu hoggaaminayay, taa oo u fududeysay inuu xilkan Madaxwayne qabto.
Awood qeybsiga Lubnaan, wuxuu ku dhisanyahay hab qeybsi ; jagada Ra’iisul wasaaraha oo awoodda leh waxaa qaata Sunniga, madaxweynaha masixiiyiinta iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo Shiico ah.
Lubnaan dadkeeda iyo dhulkaba ma jiraan wax macno ah oo uu ugu fadhiyo maamulkooda oo ku yimaada rabitaanka dalalka faragelinta ku haya , kuwaasoo muddo dheer ka dhigay Lubnaan — waddan dafiic ah oo aan waxtar lahayn, si fudud Lubnaantu waa Soomaaliya oo ku taal galbeedka Aasiya.