Madaxweynaha Lubnaan ayaa ku khasban inuu u magacaabo jagada ra’iisul wasaaraha ee hoggaamisa dawladda qofka heysta cododka ugu badan ee Baarlamaanka, waxayna ku dhawaaqistu dhacda marka la soo gabagabeeyo la-tashiga Baarlamaanka.
Nawaf Salam, oo ah guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) , sidoo kale ah diblomaasi laga soo billaabo 2007 illaa 2017 ahaa danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiyay Lubnaan ayaa la filayaa inuu caawa ka baxo magaalada Hague, si uu u gaaro berri caasimadda Lubnaan ee Bayruut.
Magacaabistiisa waxay ka dhigantahay in la burburiyay awooddii siyaasadeed ee ururka Xisbullah oo tobankii sanno ee u dambeysay ahaa ururka maamullayay siyaasadda Lubnaan.
Wuxuu ka helay taageerro ballaaran masiixiyinta oo leh kala bar kuraasta baarlamaanka ee kooban 128 oo loo kala qeybsado masiixi iyo Muslimiinta.