Heemaal News Network

Somaliya Oo Sheegtay inay isku Dheellitirayso Xiriirka ay la Leedahay Masar iyo Itoobiya

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay isku dheellitirayso xiriirka ay la leedahay Masar iyo Itoobiya, oo ah labo dal oo isku haya biyaha Webiga Niil.

Wasiir u Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa wareysi ku sheegay, in xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Masar uusan waxba u dhimayn xiriirka ay la leedahay Itoobiya.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ku shaqeyneyso siyaasad dibadeed oo dhexdhexaad ah, taas oo ujeedkeedu yahay inaysan cidna ka fogaynin.

“Soomaaliya waxay dooneysaa inay la yeelato xiriir wanaagsan dhammaan dalalka caalamka, iyadoo aan dhinacna u janjeerin ama dhinacna aan fogeynayn,” ayuu yiri Cali Balcad.

Masar ayaa si gaar ah isha ugu haysa xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii dhowaan lagusoo afjaray xiisadda labada dal.

Madaxweynaha Masar ayaa dhawaan sheegay in dalkiisa uu mar kasta u taagan yahay difaaca qaranimada Soomaaliya.

Masar waxay sidoo kale kasoo horjeeddaa in Itoobiya loo ogolaado inay ka faa’iideysato biyaha Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan aqbali doonin in dalal aan bad lahayn ay dhistaan ciidamo militari oo ka howlgala Badda Cas.

Wuxuu intaa ku daray in tallaabadaasi ay si weyn u saameyn karto ammaanka biyo qotoda dheer ee gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Qaahira kula qaatay dhiggiisa Eritrea, Cismaan Saalax, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi.