Heemaal News Network

Xamaas Oo Aqbashay Xabad joojin & Dabaaldegyo Gaza ka socda

Xamaas ayaa ansixisay soo jeedintii heshiiska xabbad-joojinta Qasa, taa oo ka dhigan in kaliya la sugayo ku dhawaaqista rasmiga ah ee heshiiska oo Israel ay horey u aqbashay.

Dadka reer Qasa ,ayaa billaabay inay u dabaal-deggaan heshiiska xabbad-joojin ah oo saacadaha iyo maalmaha soo aadan qalinka lagu duugayo.

Ciidanka Israa’iil ayaa billaabay inay ka baxaan marinka Philadelphia ee isku xira Masar iyo Qasa.

Joogitaanka ciidanka Israa’iil ee Philadelphia waxay ka dhignayd inay Israa’iil jabisay heshiiskii nabadda ee Camp David , waxayna sameysay Masar iskuday kasta oo diblomaasiyadeed iyo hanjabad kasta oo ay ku joojin kartay inay ciidanka Israa’iil.

Taa beddelkeeda iska caabinta Qasa, waxay diiddeen nooc kasta oo heshiis ay ku jirto inay ciidanka Israa’iil joogitaan ku yeeshaan marinka Philadelphia, tan oo sabab u noqotay burburka isku day kasta oo heshiis lagu raadinayay oo ay dhinac socotay tallaabooyin militari oo arxan darro ah oo ay Israa’iil ka fulinaysay Qasa , iyadoo xasuuq lagula kacayo dadka Qasa, balse ma beddelin xaaladdaa mowqifka iska caabinta iyo adkaysiga dadka Qasa oo lagu gaaray inay ciidanka Israa’iil hadda billaabeen inay ka baxaan Philadelphia.

Dhinaca kale, tan iyo shalay wuxuu u xayirnaa in la dhammeystiro heshiiska kooxda Xamaas oo dalbaday inay Israa’iil soo bandhigto khariirada goobaha ay ka baxayaan ciidanka Israa’iil wajiga koowaad heshiiska — wax yar ka hor Al Carabiya ayaa ku warrantay inay Israa’iil u gudbisay dhex dhexaadiyayaasha khariirad waafaqsan dalabaadka iska caabinta ee goobaha marinka Qasa oo ay ka baxayaan ciidanka Israa’iil.

Heshiiska haddii lagu dhammeystiro halka uu hadda joogo wuxuu ka dhigan yahay inay Israa’iil sameysay tanaasul aan horey loo arag , halka iska caabinta ay gaareen dhammaan shuruudihii ay ku xireen heshiis lagu sii deynayo maxaabiista in la gaaro.