Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Oo ka Hadlay Heshiiska ay Gaareen Israa’iil iyo Xamaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Xasan Sheekh, ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kusoo aadaya xilli heshiis xabbad-joojin ah gaareen ururka Xamaas iyo maamulka Israa’iil, waxaana heshiiskaasi rejo laga qabaa in uu wax ka beddelo xaalada adag ee ka taagan magaalada Gaza.