Baadhitaan ay cisbitaallada Israa’iil ku sameeyeen saddexdi la-haystee ee laga soo daayey xabsiyada Xam’aas, waxa laga weyey wax aan ahayn fiitamiin B oo ku yar; ma jiraan kufsi, dhaawacyo jireed iyo xataa kuwo maskexeed oo loo geystey, sida ay ku warrantay warbaahinta Israa’iil-
Tani oo ka duwan dadka reer Falastiin oo xabsiyada Yahuuda kala kulma nooc kasta oo ciqaab ah, iyadoo kumanaan laga diley reer Falastiin, haddana Israa’iil kuma guuleysan; in tirtirto awoodooda, ka soo ceshato la-haystayaasha, kana saarto Qasa.