Heemaal News Network

Madaxwaynaha Shiinaha Oo Khadka Taleefoonka kula Hadlay Dhigiisa Ruuska

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping wuxuu maanta xiriir la sameeyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ,iyagoo wada-hadal ku yeeshay hab-fogaan arag ah,kaddib markii wada-hadalka uu soo dhammaaday wuxuu sheegay madaxweynaha Shiinaha in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu hormariyo xiriirka uu la leeyahay Ruushka, si uu uga hortago waxa uu ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadda caalamiga ah.

Telefishinka dawladda Shiinaha, ayaa isagoo xiganaya hadal ka soo baxay Xi Jinping, wuxuu dhankiisa baahiyay ; “Iyadoo ay jiraan isbeddello degdeg ah oo aynaan arag qarnigan iyo xaaladda cakiran ee caalamiga ah, Shiinaha iyo Ruushku waxay si joogto ah u dhaqaaqeen, iyagoo gacmaha is haysta, oo ku socda dariiqa saxda ah. ”

Madaxweynaha Ruushka, ayaa dhankiisa laga soo xigtay in Moscow iyo Beijing ka go’antahay sidii loo sugi lahaa amniga caalamiga ah, isagoo intaa ku daray in wada shaqeynta u dhaxeysa Ruushka iyo Shiinaha ay muhiim u tahay in la gaaro xasillooni heer caalami ah.

Wada-hadalka, wuxuu ku soo aaday saacado kaddib markii uu si rasmi ah xilka ula wareegay Trump, kaasoo qaaday tallaabooyin dhowr ah oo saameyn caalami ah leh oo ay ku jirto ka bixitaanka heshiiska cimilada ee Paris iyo inuu Mareykanka joojiyay kaalmadii uu siin jiray hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, tallaabooyinkan oo ay cambaareysay Beijing.