Shirikadaha Diyaaradaha Soomaliya ayaa laga bilaabo berrito joojinaya dhamaan duulimaadyada gudaha iyo dibadaba. Labaatan shirkadood ayaa iskuraacay arrinkan, kadib markii lagu soorogay diyaaradaha lacago dheeraad ah oo aan horay looqaadi jirin.
Arrinkan ayaa saamayn doonta boqolaal rakaab ah oo berrito dalka Soomaaliya tagi lahaa ama ka dhoofi lahaa. Sida lawadaqirayo Musuqmaasuq baahsan ayaa aafeeyey dowlada hadda jirta waana qalad ay wadaqirayaan shacabka iyo madaxdaba.
Hadaba warkan ayaa waxaa beeninaya heyadda duulista rayidka Soomaaliyeed oo War-saxaafadeed soo saartay
WAR SAXAAFADEED
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya, ayeey HDRS waxa ay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa markasta waajib ka saaranyahay in ay daboosho baahida shacabka safraya dal iyo dibad.
Hadaba, Hay’addu Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ka digaysaa wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaasoo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito 22/01/2025, iyada oo go’aankaasi uu yimid kadib markii ay:
HDRS iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde soo saareen amar saameeynaya shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin kuwaas oo marka ay rakaab soo xareeyaan ay kadhalatay tacadi baaxad leh oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah (fadlan eeg lifaaqa).
HDRS waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha kuwaas oo ay ka heshay arimo saamayn ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.