Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ay kula jirto al shabaab oo ay ka gaartay guullo waaweyn
Xamse ayaa dhinaca kale xusay in dowladda Soomaaliya bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.