Heemaal News Network

Madaxweyne Al Sisi oo Somaliya Imaanaya iyo Xg ku Aadan Ujeedka Safarkiisa Oo ah Xasaasi

Madaxweynaha Masar Janaraal Cabdifitaax Al Sisi ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, taas oo noqonaysa safarkii ugu horreeyay abid oo madaxweyne Masaari ah ku yimaado Soomaaliya muddo ku dhow kontan sano.

Socdaalkaas ayaa dabo socda kulan horey Qaahira ugu dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sisi bishii hore, kaas oo ay uga wada xiriirka labada dal kadib markii uu soo baxay heshiiska badda iyo aqoonsi isweydaarsiga ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Masar oo si adag uga hadlay heshiiskaas ayaa xilligaas ku hanjabay inay si buuxda u taageeri doonaan Soomaaliya dhan ciidan iyo difaac iyo wixii kale ee ay uga baahato.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya saameynta gobolka, iyaga oo isku haya sida loo wadaagayo biyaha webiga Nile ee kasoo farcama dhulka buuraleyda Itoobiya.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa BBC u xaqiijiyay qorshaha booqashada madaxweynaha Masar oo uu sheegay inay si dhow u maamuleyso madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalkan oo codsaday in aynan magaciisa baahin waxa uu intaa ku daray in wafdi hordhac u ah safarka madaxweyne AlSiisi ay yimaadeen Muqdisho labo mar oo kala duwan oo dhammaadka toddobaadkii hore ah.

Wafdigaas oo isugu jira saraakiil amni iyo dublumaasiyiin sare ayaa kooxdii ugu horreysay ay yimaadeen Muqdisho sabtidii oo ah maalinkii askari hubeysan oo la la xiriirinayo Shabaab uu weerar ka geystay xero ciidan oo ku taal Muqdisho.

Xeradaas oo Gordan la yiraahdo waxay xarun u tahay ciidamada Soomaaliya ee ay sida gaarka ah u tababarto dowladda Imaaraatka, iyada oo weerarkaas lagu dilay saraakiil sar sare oo Imaaraat ah.

Kooxda labaad ee wafdiga ayaa yimid maalinkii xigay oo axad ahayd, sida uu inoo xaqiijiyay sarkaalka sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Labada wafdi ba waxay hadda dib ugu noqdeen Masar, iyada oo uu weli socda qorshaha safarka madaxweyne Siisii uu ku imaanayo Soomaaliya. Sarkaalkan oo aan weydiinay xilliga la filayo in wafdiga madaxweynaha Masar ay yimaadaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aysan jirin waqti deg deg ah.

Laakiin waxa uu intaa ku daray xogta xilliga iyo faahfaahinta kale ee la xiriirta qorshaha safarkaas inay bixin karto madaxtooyadda Soomaaliya.

Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda nooma suurtogelin in aan helno warcelintooda.

Laakiin sarkaalka sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya waxa uu ka gaabsaday in uu xaqiijiyo ama beeniyo in dib-u-dhac ku yimid xilliga horey u qorsheysneyd in uu madaxweynaha Masar yimaado Soomaaliya.

Maxaa xiligaan ku soo beegay safaraka madaxeynaha masar ee Soomaaliya?

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar waa mid taariikh dheer leh oo soo bilowdya xitaa kahor xornimada. Sanadkii 2013-kii ayaa dib loo furay safaaradda Masar ee Muqdisho, taasoo howlaheeda shaqo ka wadday markii hore magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sababo dhanka ammaanka ah.

Khubarrada arrimahan darsa ayaa sheegaya in xiriirka labada dal uu soo bilaabmay qarniyo ka hor kaasi oo inta badan ku dhisnaa ganacsiga iyo tacliinta.

Taariikhda xusidda mudan ayaa ah in Masar ay kamid ahayd saddex dal oo Qaramada Midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogteeyaan madaxbannaanida Soomaaliya sanadkii 1954-tii.

Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa kamid ah Kamaalu-diin Saalax oo ahaa diblumaasi Masar u dhashay islamarkana ka mid ahaa wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xilligii Talyaaniga uu joogay koofurta Soomaaliya.

Inkasta Masar ay ka mid tahay dalalka sida weyn u daneeya siyaasadda Soomaaliya haddan horey uma dhicin booqasho la mid ah tan hadda la fillayo in uu ku yimaada madaxweyne Al siisi sodonkii sano ee u dambeeyay.

Dr Axmed Faarax Iidle oo Barre sarre ka ah Jaamacadda Hargeysa ayaa qaba in dhowr arrin oo isbiirsday inay keentay booqashada madaxweynaha Masar.

Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, xiisada ka taagan badda cas iyo dowladnimada Soomaaliya oo kobac muuqada sameeysay ayuu sheegay in ay ugu weyn tahay asbaabaha keenay safarkan.

“Waxaan ognahay in uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeey Masar iyo Itoobiya, sidaas oo kale waxaa jira khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee arrimaha heshiika marka waxaa la dhihi karaa taas ayaa soo dadjisay,” ayuu yiri Dr Axmed faarax Iiidle.

Masar ayuu tilmaamay in khilaafka soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Itoobiya ay fursad weyn u aragto oo ay doonayso in aanay lumin.

“Khilaafka Masar iyo Itoobiya ee biyo xireenka wabiga niil oo in muddo ah soo jiray ayaan ognahay in qeyb ay ka tahay isku soo dhaweeynta Soomaaliya iyo Masar,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Muhiimada booqashadaan ee Soomaaliya u leedahay

19-kii bishii hore ee jaanayo ayay ahayd markii Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay Masar, markaas oo labada dal ka wada hadleen arrimo dhowr ah ay ka mid yihiin is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Dr Axmed faarax Iidle waxaa uu sheegay boqashada ay tahay mid saameyn weyn u leh gobolka oo wajahaya xiisada kala duwan.

“Waxey u badan tahay in labada dal ay ka wada hadli doonan iskaashi dhanka amniga ah, oo laga yaabo in ay kala saxiixdan labada dal, taas oo keeni karta in Ciidanka bada Masar ay biyaha Soomaaliya ka howglaan,” ayuu yir Axmed Faarax Iidle.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ula gashay dalka Masar heshiis ku saabsan dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Muddooyinkii danbe dowladda Masar ayaa waday dadaalo lagu xoojinayo xariirka kala dhaxeeya dalalka geeska Afrika, sida Soomaaliya iyo Eratariya.

Dhawaan ayay ahyad markii wafdi ka socda Masar uu tagay Soomaaliya iyo Eratariya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Laga Waraystay Maalintii Gala Dagaalka Uu lahaa Ee Bilowday

Heemaaln

Wefti Heer Federaal ah Oo Maanta Booqday Laascaanood.

Heemaaln

Xildhibaanadda Labada Aqal Oo ka Dooday Dibu Eegista Qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Heemaaln