Maamulka Trump, ayaa shuruud ku xiray deeqaha caalamiga ah ee Mareykanka uu bixiyo , kaddib markii xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio uu ku dhawaaqay Mareykanka inuusan bixin doonin kharash dambe oo aan bixinayn jawaabaha saddex su’aal oo uu soo bandhigay oo kala ah; lacagta lagu bixinayo mashruuc kasta miyay Mareykanka ka dhigaysaa mid nabdoon?
Miyay Maraykanka ka dhigaysaa mid xoog badan?
Mise Mareykanka waxay kaalmada uu bixinayo ka dhigaysa mid barwaaqo?
Go’aanka wuxuu la xiriira in Mareykanka uusan dhaqaale dambe ku bixin doonin wax aan dani ugu jirin , markaa oo ay natiijada noqon doono kaalmada bani’aadanimo iyo mashaariicda kale way joojin doonan lacagta ay ku bixiyaan.
Ku dhawaaqistan ayaa sidoo kale ku soo aadday xilli uu Mareykanka joojiyay dhaqaalihii uu siin jirin hay’adda caafimaad adduunka ee WHO. Si toos ah go’aamadan waxay saameyn ugu yeelan doonaan Soomaaliya oo kaalmo bani’aadanimo iyo taageerrada mashaariic horumarineed ka heli jirtay Mareykanka.