Waxa laga dayrinayaa tacadiyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah ee maxaabiista ku xidhan xabsiyada dalka Eriteriya, iyada oo maxaabiista qaarkood loo gaysto xadgudubyo inta ay ku jiraan xabsiyada dalkaas.
Wargayska The Guardian oo u kuur galay xaaladda xabsiyada dalka Eriteriya, ayaa baahiyay sheekooyinka qaar kamid ah maxaabiistii hore ugu xidhnayd jeelasha dalkaas ee tacadiyada ba’an loo gaystay. Mid kamid ah maxaabiistii hore ugu jiri jirtay jeelasha, oo hadda ku sugan Itoobiya, ayaa sheegay in inta la figeeyo si joogta ah loo garaaci jiray.
Isaga oo ku sugan kaniisad ku taalla dalka Itoobiya kadib markii uu dalkiisa kasoo qaxay 2020, ayuu The Guardian u sheegay in danbiga loo xidhay uu ahaa in la arkay isaga oo dad wacdiyaya, sidaasna uu jeelka ku galay maaddaama oo Eriteriya aan laga ogolayn ka hadalka arrimaha diimaha.
“Marka ay ku xidhaan, kuuma sheegayaan inta aad jeelka ku jiri doonto,” ayuu yidhi wadaadkan oo muddo 8 sano ah xidhnaa, ilaa imikana diiday in magaciisa ama sawirkiisa oo dhamaystiran la isticmaalo cabsi uu ka qabo in la basaaso.
“Askari in aad ka noqoto Eriteriya aad ayay u xuntahay. Haddii aad gacanta taagto oo aad fikirkaaga dhiibato, xabsiga ayaa lagu dhigaya, xoriyadna kama jirto,” ayuu yidhi askari kamid ah maxaabiistii hore loogu xidhay Eritriya, isaga oo hada ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in maxaabiista askarta ah oo kali ah ay tiradoodu dhantahay 14,000 oo maxbuus, kuwaasi oo ay ku jiraan xataa saraakiil sare. Mid kamid ah maxaabiista jeelasha kasoo baxday ayaa sheegay in uu mid kamid ah indhihiisa ku waayay jidhdil aan kala joogsi lahayn oo loo gaystay.
“Waa nidaam loogu talogalay in dadka lagu argagax geliyo, si loo maamulo nolosha dadka reer Eriteriya,” ayuu yidhi Maxamed Cabdisalaan Babiker oo Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqda aadanaha ee loo gaysto shacabka Eriteriya.
Waddankan lagu naanayso “Waqooyiga Kuuriyada Afrika,” waxa muddo 30 sannadood ah ka talinayay Isaias Afwerki, oo ah hoggaamiye gacan kulul kaasi oo aan ogolayn in dalkiisa ay booqdaan warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqal insaanku.