Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu rafcaan ka qaadanayo xukun uu soo saaray garsoore heer federal ah kaas oo si ku meel gaadha u joojiyey go’aankii uu dhowaan Trump qalinka ku duugay ee ku saabsanaa in aan dhalasho la siin karin ubadka ay dhaleen dadka sharciga aan haysan ee ku sugan gudaha Maraykanka.
Trump ayaa ku adkaysanaya in ubadkan lagu celinayo meelihii ay waalidkooda ka yimaaddeen isaga oo laalay xeer Maraykanka ka soo shaqanayey in ka badan 125 sano.
Gobollada ay ku xooggan yihiin Dimuqraadiyiintu ayaa dedaal ugu jira sidii meesha looga saari lahaa in ubadka ay Qaxoontigu dhaleen loo diido in ay qaataan dhalashada Maraykanka.