Warbaahinta Israa’iil ayaa soo bandhigtay faahfaahinta askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo sirdoonka u xireen inay u basaasayeen Iran.
Warbixinnadan ayaa lagu sheegay inay labada askari ka tirsanyihiin ciidanka kaydka militariga Israa’iil, kuwaasoo la sheegay inay la wadaageen Iran xogta goobo xasaasi ah iyagoo u diraya sirdoonka Iran hababka uu u shaqeeyo nidaamka difaaca Israa’iil ee Iron Dome iyo macluumaadka goobaha militari.
Sidoo kale mid kasta oo ka mid ah xogta ay direen waxay ku qaateen 3,500 oo doollar, balse markii dambe mid ka mid ah labada askari ayaa ka baxay wada shaqeynta Iran, isagoo ku andacoonaya inay shaqadu tahay mid halis ah.