Heemaal News Network

William Ruto Oo Booqasho Rasmi ah ku Tagay Masar Heshiisyo-na la Galay SISI.

William Ruto, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Masar, taa oo ka dhigtay madaxweynihii u horreyay ee Kenya oo booqanaya dalka Masar, waxayna si wadajir u saxiixeen isaga iyo madaxweynaha Masar, Abdel Fattah Al-Sisi , baaq wadajir ah oo ku aaddan iskaashi istiraatijiyadeed iyo mid dhammaystiran.

Labada dal ayaa sidoo kale xiriirkooda kor u qaaday, iyagoo iska kaashanaya dhinacyada militariga, halka ay Kenya heli doonto tababarka militari, diblomaasiyadeed iyo horumarinta waxbarashada.

Heshiiskan ayaa waxa uu ku soo aadday, maalmo kaddib markii sidan oo kale Al-Sisi uu la saxiiday madaxweynaha Soomaaliya , heshiis kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammeystiran. Masar , ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaysa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ay Kenya ku jirto oo Soomaaliya la keennayo.