Dhinaca kale, Xubno ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta booqday goobaha loo asteeyey diiwaan gelinta codbixiyaasha ee gobolka Banaadir iyadoo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banadir M.ne: Maxamed Axmed Diiriye (yabooh).
Guddiga oo qorshaynaya inuu soo kormeero xarumaha loo asteeyey diiwaangelinta codbixiyaha ee Gobolka Banaadir ayaa maanta booqday Degmada Boondheere iyaga oo halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta iyo dadwaynaha degmada. Guddiga ayaa uga warramay dadwaynaha muhimmada ay leedahay diiwaangelinta codbixiyuhu iyo inay saldhig u tahay doorashooyinka toos ah.
Sidoo kale, Guddiga ayaa ku boorriyay dadwaynaha inay maanta haystaan fursad qaali ah oo ay ku xaqiijin karaan himilada dadka Soomaaliyeed ee ah in dalka laga hirgeliyo dawladnimo ku timaadda rabitaanka dadwaynaha lagana gudbo nidaamka doorashooyinka dadban.
HOOS KA DAALACO HABRAACA DIIWAAN GELINTA URURADA SIYAASADA DALKA