Heemaal News Network

Duqeymo Cirka ah Oo Caawa ka Socda Buuraha Calmiskaad

Wararka laga helayo buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah ay haatan ka socdaan goobo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah buurahaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxyo waaweyn laga maqlayo caawa degaano ku dhow aagagii ay ciidanka difaaca Puntland ku sugnaayeen xilliga gabalku dhacayay.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa difaac adag ka galay degaanada hoose ee laga soo dago buuraha Cal-Miskaad, si ay uga hortagaan firxadka kooxda Daacish ee ka baxsanaya weerarada ciidamada.

Dagaalkii ugu xooganaa ayaa maanta ka dhacay toga jaceyl oo ay fariisin weyn ku lahaayeen kooxda Daacish ka dib markii ay halkaas weerareen ciidamada Puntland waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo sii gaaray illaa gabaldhicii maanta.

Waxaa dagaalkaas lagu laayey dagaalyahano ajaaniib ah oo ka tirsan kooxdda Daacish kuwaasoo 20 ka badnaa iyo kuwo Soomaali ah waxaana sawirada meydadkooda lagu soo bandhigay baraha bulshada.

Duqeymaha ayaa waxaa fulinaya dayuuradaha Mareykanka ka dib markii ay dalbadeen ciidanka Puntland ee dhulka ka dagaalamaya, weli lama oga khasaaraha iyo goobaha lala beegsaday, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii dayuuradaha xambaara bambooyinka waaweyn ee Mareykanka ay duqeeyeen godad ku yaalla aagaas oo ay ku jireen xubno ka tirsan Daacish.