Heemaal News Network

Trump Oo Qorshaynaya Inuu Reer Qasa u Rraro Somaliland Puntland Iyo Marooko

Wargeyska Israa’iil ee The Jerusalem Post iyo telefishinnada Israa’iil ee Channel 12 iyo N12 , ayaa ku warramay inuu Trump doonayo Falastiiniyiinta uu ka masaafurinayo Qasa inuu geeyo meelo ay ka mid yihiin , Somaliland, Puntland iyo dalka Marooko.

Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa lagu sheegay inay jirto baahi ay u qabaan goobahan la doortay taageerrada Mareykanka , sida inay Somaliland doonayso madax bannaani , halka Marooko ay rabto in loo aqoonsado gobolka saxaraha waqooyi.