Heemaal News Network

Iran Oo Maanta soo Bandhigtay Nidaamyadeeda Difaaca Hawada Ee Masaafada Dheer,

Iiraan ayaa maanta soo bandhigtay nidaamyadeeda difaaca hawada ee masaafada dheer, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca hawada oo ay ka heshay Ruushka, intii lagu guda jiray dhoolatus ciidan oo ay maanta iiraan samaysay.

Dhoolatuskan ayaa dhacay hal maalin kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha gobolka, gaar ahaan barnaamijka nukliyeerka Iran. Trump ayaa kulanka kadib ku dhawaaqay inuu dib u bilaabayo siyaasaddiisii cadaadiska ugu badan ee Iran, isagoo sheegay inuu doonayo inuu hoos u dhigo dhoofinta saliidda Iran si looga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in Iran aan loo oggolaan karin inay horumariso hub nukliyeer ah.

Bishii Oktoobar 26-keedii, Israa’iil ayaa duqeymo la beegsatay warshado gantaallo laga farsameeyo iyo xarumo kale oo ku yaalla Tehran iyo galbeedka Iran, iyada oo sheegtay in weerarkan uu jawaab u ahaa duqeyn Iran ay Israa’iil ku qaadday Oktoobar 1-dii, taasoo ay isticmaashay ilaa 200 oo gantaal oo ballistic ah.

Telefishinka dowladda Iran ayaa Arbacadii sheegay in dhoolatuska ciidamada uu muujiyey awoodda ay weli leedahay Tehran, iyada oo la isticmaalay nidaamyada difaaca hawada ee Bavar-373 oo ay Iran samaysatay iyo S-300 oo ay ka heshay Ruushka. Labadan nidaam ayaa si guul leh u toogtay bartilmaameed male-awaal ah, taasoo muujinaysa in awoodda difaac ee iiraan aysan wiiqmin sida ay sheegtay Israa’iil.

Dhoolatuskan ayaa loo arkaa inuu yahay fariin ay Iran u direyso Israa’iil iyo xulafadeeda, si ay u muujiso in ay weli awood u leedahay inay difaacdo hawadeeda, xilli xiisadaha gobolka ay sii xoogeysanayaan.