Heemaal News Network

Dawlada Masar:- “Barakicinta Dadka Qasa Waxay Wiiqaysaa Heshiiskii Nabadda ee Masar iyo Israa’iil.

Wakaaladda wararka ee AP , ayaa maanta ku warrantay in Masar ay si cad ugu sheegtay maamulka Trump iyo Israa’iil in ay ka hortagi doonto hindise kasta oo la doonayo in Falastiiniyiinta loo barakiciyo Masar, iyagoo markaa ku sheegay barakicinta falastiiniyiinta inay khalkhal galinayso xasilloonida gobolka iyo in ay wiiqayso heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawlada Masar.

Farriinta Masar ayaa la gaarsiiyay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo xubno ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka.