Haayadda NRC ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay kaalmadii iyo gargaarkii ay siin jirtay soddon dal oo ku yaalla daafaha Adduunka gaar ahaanna waddamada ay colaadaha iyo abaaruhu ka jiraan.
NRC ayaa sheegtay in ay saamayn ku yeelatay dhaqaalihii ay goostay dawladda Maraykanku sidaa darteedna aanay suurtagal ka ahayn in ay sii waddo hawleheedii shaqo iyada oo fasaxna siisay shaqaalihii ka hawl geli jirey.
Meelaha ay joojinta gargaarka NRC saamaynta ku yeelan doonto waxa ka mida Soomaaliya, Suudaan, Afgaanistaan iyo Ukriane.