Heemaal News Network

Xamaas Oo Shaaciyay In Dib loo Dhigay Maxaabiista Israa’iil Ee lasii Deyn Lahaa Sabtida

Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay tiro badan oo ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee Sabtida toddobaadka dambe la sii deyn lahaa in dib loo dhigay.

“Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, hoggaanka wax iska caabintu waxay la socdeen xadgudubyada cadowga iyo u hoggaansanaan la’aantooda shuruudaha heshiiska ..Xadgudubyadan waxaa ka mid ah dib u dhigista dadkii ku laaban lahaa guryahooda waqooyiga Qasa oo lagu bartilmaameedsanayo duqeymo iyo rasaas ka dhacaysa meelo kala duwan oo marinka Qasa ah, iyo ku guuldareysiga in la oggolaado gelitaanka agabka gargaarka nooc kasta oo lagu heshiiyey. Iska caabintu waxay ka soo baxday dhammaan waajibaadkii saarna — go’aanka aan dib ugu dhigtan sii deynta maxaabiista wuxuu sii jiri doonaa illaa Israa’iil magdhow ka bixiso xadgudubyada ay ku kacday iyo illaa ay caddeynayaan inay ka go’aantahay fulinta heshiiska.”

Go’aanka Xamaas, ayaa soo baxay xilli maanta ay ka digtay dawladda Qatar habdhaqanka Israa’iil inuu sabab u noqon karo burbur ku yimaada wajiga koowaad ee heshiiska , tan oo ay xigtay inuu Netanyahu soo muujiyay sida uusan diyaar ugu ahayn gaarista wajiga labaad ee heshiiska iyo hadallo caro gelinaya Xamaas oo si joogta ah uga soo baxayay Netanyahu. Marka go’aanka Xamaas wuxuu u muuqda digniin loo dirayo Netanyahu…!