Heemaal News Network

Israa’iil Oo Diidday Qorshe ay Dalal badan Ay Doonayaan in Qasa Laga Hirgeliyo

Israa’iil ayaa diidday qorshe ay dalal badan oo ay ku jirto Qatar iyo Qaramada Midoobay ku doonayeen in Qasa laga hirgeliyo guryo kumeel-gaar ah oo ah nooca gurguura , sida ay sheegtay shabakadda Fox news.

Dadka Qasa ee dhismayaashooda la burburiyay ayaa deggan teendhooyin aan adkaysi u lahayn qaboobaha, roobka iyo xataa waqtiga kulul, taa oo keentay in lagu soo daro heshiiska xabbad-joojinta hirgelinta guryo kumeel-gaar ah, balse Israa’iil oo horey u oggolaatay ayaa hadda la sheegay inay joojisay, taasi oo xoojinaysa walaaca laga qabo inuu burburo heshiiska.