Heemaal News Network

Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Baanka Aduunka.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka Socday Baanka Aduunka oo booqasho ku yimid Somaliland, Waxana wafidigan hogaaminayay Paul Baringanire oo ah (TTL)-ka Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP).

Wasiirka ayaa wafdiga la wadaagay horumarka ka socda Aaga Tamarta Somaliland iyo sida ay wasaaarad ahaan ugu heelan ka faa,iidaysiga khayaraadka Tamarta Somaliland si bulshada Somaliland u hesho Tamar jaban oo la isku halayn karo.

Wasiir Ahmed ayaa waxa kulankan ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaradaasi Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan wasaarada Macdanta iyo Tamarka Somaliland.

Dhankooda Baanka Aduunku waxa ay Somaliland ku bogaadiyeen horumarka laga sameeyay Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP), kaasi oo ay ujeedadiisu tahay in bulshada Somaliland Hesho koronto Jaban, La isku halayn karo kana timaada ilo nadiifa.