Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday in ay waan-waan ka dhex waddo Jubbaland iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya.
Wasiirka Deegaanka, ee dawlada Kenya Aadan Barre ayaa sheegay in socdaanlii Nairoobi ee Axmed Madoobe qayb ka ahaa waan-waan ay ogayd Dawlada Somaliya,
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Kenya ay xataa qayb ka ahayd heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Socdaalkii Madoobe ee Nairobi wuxuu qayb ka ahaa waan-waan aan ka dhex wadno DFS, waan laysla ogaa safarkaa- kenya markasta waxay rabtaa Soomaaliya oo wadajirta oo xasiloon xataa heshiiskii Ankara annagaa dhamaynay.” – Wasiir Ducaale.