Heemaal News Network

Guddoomiye Amiir oo arrimaha Doorashada iyo arrimo kale kala hadlay James Swan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay, Sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (𝐔𝐍𝐒𝐎𝐌) 𝐌𝐫. 𝐉𝐚𝐦𝐞𝐬 𝐒𝐰𝐚𝐧.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, iskaashiga labada dhinac, doorka Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Muqdisho iyo sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa qorshaha horumarinta Caasimadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (𝐔𝐍𝐒𝐎𝐌) kaga mahadceliyay doorkooda garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.