Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee Badda ayaa maanta ka bilowday magaalada Ankara ee Turkiga, sidan ayaana lagu sheegey war kooban oo ka soo baxay.
“Iyadoo laga anbaqaadayo bayaankii ka soo baxay shirkii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ay horay ugu yeesheen Turkiga ayaa shirkaan maanta lagu soo bandhigay aragtiyo lagu horumarinayo mustaqbal barwaaqo iyo xasillooni leh.
Intii lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta qodobada iyo nuxurka bayaank Ankara.
Wafdiyadu waxay billaabeen shaqo dhab ah oo lagu hirgelinayo aragtidaas, iyagoo isla gartay horumar waara oo labada dhinacba dan u ah.
Labada wafdi waxay uga mahadcelinayaan Türkiye sida ay uga go’an tahay diyaarinta marxaladda xigta ee wadahadallada farsamo, oo lagu wado inay qabsoomaan bisha Maarso 2025.”