Heemaal News Network

Suudaan Oo si Adag uga Hadashay Go’aanka ay Kenya ku Qaabbishay Hoggaanka RSF.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan, ayaa si adag uga hadashay go’aanka ay Kenya ku qaabbishay hoggaanka kooxda RSF iyo xulafadooda siyaasadeed ee ka soo horjeeda milateriga Suudaan, kaddib markii shalay hoggaamiye ku-xigeenka RSF iyo xubno kale ay ku qabteen xarunta shirarka Nairobi ee KICC , kulan ay sheegeen in lagu saxiixayo axdi ay ku dhisayaan dawlad ka soo horjeeda xukuumadda fadhigeedu yahay Port-Sudan.

Warsaxaafadeed ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan , ayaa lagu sheegay ;

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ka xuntahay sida ay dawladda Kenya u dayacday waajibaadka ka saaran qawaaniinta caalamiga ah… Marka la eego in ujeeddada lagu sheegay heshiiskan ay tahay in la dhiso dawlad barbar socota qayb ka mid ah dhulka Suudaan, tallaabadani waxay dhiirrigelinaysaa kala-goynta dawladaha Afrika, ku xad-gudbida madax-bannaanidooda, iyo faragelinta arrimahooda gudaha.Sidaa darteed, tani waxay jebin cad ku tahay Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika, iyo mabaadii’da la dejiyay ee nidaamka caalamiga ah —

Intaa waxaa dheer, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka martigelinta hoggaamiyeyaasha maleeshiyada argagixisada ah ee RSF iyo u oggolaanshaha inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed – inta ay sii wadaan xasuuqa dadka rayidka ah ee salka ku haya qowmiyadaha, weerarrada xeryaha barakacayaasha, iyo falalka kufsiga ah waxay ka dhigan tahay taageerada iyo ka qayb qaadashada dembiyadan foosha xun.

Sidoo kale, tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya, kuma koobna oo kaliya ku xad-gudbida mabaadi’da deris-wanaagga,iyadoo Wasaaraddu ay ugu baaqayso beesha caalamka inay cambaareeyaan falkan cadowtinimada ah ee ay ku kacday dawladda Kenya, haddana waxaan xaqiijinayna inan qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”