Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Ruushka, kaddib shir madaxeedkii shalay ka dhacay Sacuudiga.
Putin, inta uu ku jiray hadalkan , wuxuu sheegay inuu la yaabay is xakameynta Trump ee faragelinta ay doorashadii Mareykanka ee November, ku sameeyeen hoggaamiyayaasha Yurub, oo sidoo kale uu tilmaamay inay si cad uga soo horjeesteen Trump , iyagoo aflagaado kula kacaya. Wuxuu intaa ku daray Ruushka inuusan waligii faragelin toos ah ku sameyn doorashada Mareykanka , si la mid ah sida ay Yurub ku kacday doorashadii u dambeysay, si ay uga hortagaan inuu Trump ku soo baxo doorashada.