Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Bulo Burte ee gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, waxaana duqeyntan looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaysa shacabkeeda waxay sii xoojinaysaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.