Xilli munaasabadan ay ka socotay Beirut, illaa lix weerar oo ay geysteen diyaaradaha Israa’iil ayaa ka dhacay koonfurta Lubnaan, saacadihii u dambeeyay, halka sidoo kale hawada Beirut lagu arkay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil oo dulmaraya goobta uu ka dhacayey aaska Nasrullah.
Nasrallah ayaa dhintay ka dib markii ciidamada cirka ee Israa’iil ay in ka badan 80 bam ku tuureen dhismaha ugu muhiimsan ee kooxda ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan.
Dhimashadiisu waxay dhabar jab weyn ku noqotay kooxda ay Iran taageerto ee hogaamiyihii geeriyooday uu u beddelay koox awood ku leh bariga dhexe.
Waxa uu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii kooxda oo uu hogaaminayey in ka badan 30 sano, isagoo ku riyaaqaya saameyn ballaaran oo ka dhex jira kooxaha ay taageerto Iran ee gobolka. Hogaamiyihii geeriyooday ee Xisbullah ayaa si weyn loogu ixtiraami jiray waxa loogu yeero dhidibka iska caabinta ee Iran ay hogaamiso oo ay ku jiraan kooxaha Ciraaq, Yemen iyo Falastiin.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa gaaray garoonka ugu weyn ee ciyaaraha ee caasimadda Lubnaan. Afhayeenka baarlamaanka Lubnaan iyo wakiilo ka socda Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa aaska la rumeysan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee Lubnaan muddo labaatan sano ah.