Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id oo waxyar ka hor uu qabtay , wuxuu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain , taa oo ku dhacaysa sida uu sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni — waxaa kalo uu soo bandhigay sidoo kale inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO.
Zelensky, wuxuu ku celiyay inaysan ka dhaci karin doorashada Ukraine, iyadoo lagu jiro marxaladan,isagoo markaa is waydiiyay ; “ Sidee tani ku dhici doontaa? Sidee ayay ciidamadu u codayn doonaan? Sidee bay u codayn doonaan dadka dibadda jooga? Kharkiv, gobollada kale illaa Sumy;sideen ku aqoonsan karnaa doorasho aan kala bar dadweynaha codeyn doonin?”
Wuxuu diidday inuu saxiixayo heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo ku andacooday 10 jiil oo dadka reer Ukraine khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.