Heemaal News Network

C.Cabdirashuukar: Safarka Madaxweynuhu ku Tagayo Itoobiya ma ahan Mid Laga Fiirsaday

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa go’aan qalad ah ku tilmaamay safarka uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tagayo dalka Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweyne Xasan Sheikh uu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay. Wuxuu sheegay in dowladda laga rabay inay hoos u dhigto xiriirka Itoobiya.

“Addis Ababa heshiis naga dhaxeeya maan ogayn. Waxaan ogayn inay kusoo xad gudbeen midnimada iyo madax bannaanida dalka. Waa inaan weydiin kartaa madaxweynaha, maxay tahay sababta kugu riixaysa in aad Addis Ababa shir uga qeyb gasho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay inay ahayd in dowladdu hoos u dhigto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya, haddii ay ka maarmi weydana hoos loo dhigo meeqaamka wafdiga loo dirayo shirka AU-da.

Wuxuu sheegay baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan safarkiisa inay ku fashilmeen arrintaas, isagoo sheegay inay ku mashquulsan yihiin wax ka beddelka dastuurka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Boqor Buurmadow:- “Dambiga Ugu wayn Beeshayada Isaaq baa Iska leh Oo Daarood-na Fogeysay Hawiyana U Hiilisay..”

Heemaal

Hooyooyin Aan Afur Haysan oo Afka Furtay.

Heemaaln

Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiyiin kale Oo Qaadacay Wax ka Bedelka Dastuurka KMG

Heemaaln