Heemaal News Network

Madaxweynaha Faransiiska, Macron Oo Booqday Aqalka Cad

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron wuxuu waxyar ka hor booqday Aqalka Cad, si uu isugu dayo in dib loo hagaajiyo xiriirka Yurub iyo maamulka Trump ee Mareykanka , wuxuu u muuqday wada-hadalka Macron iyo Trump mid adag, iyadoo la arkayay inta ay warbaahinta la hadlayeen ugu yaraan hal mar oo Macron hadalka ka dhex galay Trump , si uu u toosiyo mowqifka labada dhinac ee Ukraine, xilli kulanka laga arkay inay Yurub ka caraysan tahay dhaqaalaha badan ee uga baxay Ukraine ee haddana Trump uu iskudayayo inuu ka dhigo ‘ wax lumay’, hadda waxa u dambeeya ee ay raadinayaan Yurub ayuu kulanka muujiyay , waana inay Ukraine u beddelaan meel ay isaga ilaaliyaan Ruushka oo ay geystaan ciidan iyo dhaqaalihii dagaalka uga baxay inay ku soo ceshtaan helitaanka khayraadka Ukraine.!

Trump , oo soo hadal qaaday qorshaha ay Yurub ku geynayaan ciidamada, wuxuu sheegay inuu toddobaadka dambe kala hadli doono Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska , Keir Starmer si uu wax badan uga oggaado qorshaha Yurub ee ciidanka nabad ilaalinta oo uu xataa sheegay inuu kala hadlay Putin oo uu ku wargeliyay inay u farantahay aragtidiisa , waxaa intaa dheer oo uu hadalkiisa ku sheegay Trump inuu la kulmi doono madaxweynaha Ukraine , si uu ugala hadlo heshiiska macdanta ee Mareykanka uu ka doonayo Ukraine.

Hadda Yurub iyo Mareykanka waxay u cararayaan inay dib u helaan dhaqaalihii ka baxay , ma jirto cid ka hadlaysa mustaqbalka Ukraine , taa beddelkeeda wadahadalladu dhammaan waa qaadashada khayraadka iyo sida Yurub ay uga dhigan lahayd darbi ay isaga difaacdo Ruushka..!