Heemaal News Network

Wajigii 1aad heshiiskii xabad joojinta Gaza oo dhamaaday

Heshiiskii xabbad-joojinta ayaa wajigiisa koowaad maanta waxay u tahay maalintii u dambeysay , taasoo dib u soo celinaysa walaaca ay dadka reer Qasa ka qabaan inay mar kale ku laabtaan weerarrada xasuuqa ahaa ee ay Israa’iil soo waday 15 bilood ee la soo dhaafay.

Sida horey is afgaradku ahaa waxaa la qorsheeyay toddobaadka u dambeeya ee wajiga koowaad in heshiis laga gaaro wajiga labaad, ma aysan dhicin oo waxaa guul-darraystay dhammaan iskudayadii lagu raadinayay in wada-xaajood laga galo dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiska, wada-hadalladii u dambeeyay waxay dhaceen Khamiistii waxayna ku dhammaadeen natiijo la’aan, iyadoo kooxda wada-xaajoodka Israa’iil ay dib ugu laabteen Telaabiib.

Waa maxay caqabadu?

Si loo gaaro wajiga labaad ee heshiiska ,waxaa hortaagan caqabado ay ugu horreyso Israa’iil oo aan dooneyn in wajiga labaad la dhaqangeliyo, sabab la xiriirta wuxuu dhigaya wajiga labaad ee heshiiska in ciidanka Israa’iil ay si dhammeystiran uga baxaan marinka Qasa oo dib ugu laabtaan goobihii ay joogeen maalintii ka horreysay 7 Oktoobar,2023 , halka ay markaa Xamaas sii deynayso dhammaan maxaabiista oo si rasmi ah loo soo afjarayo dagaalka, si tan aysan u dhicin wuxuu Netanyahu soo jeediyay in la ballaariyo wajiga koowaad ee heshiiska , halka wajiga labaad loo gudbi lahaa , waxay la xiriirta ballaarinta inay Xamaas maalmaha xabbad-joojinta dheeraadka ah ku beddelato sii deynta maxaabiista Israa’iil, taa oo ay si cad u diiddeen Xamaas , sida uu telefishinka Al Jazeera ka soo xigtay sarkaal ka tirsan Xamaas oo sheegay inaysan marna qaadan doonin ballaarinta wajiga koowaad , ayna doonayaan fulinta wixii horey is afgarad looga gaaray ee ah in lagu socdo wajiyada heshiiska. Waxaa jirta in qorshaha Israa’iil uu taageerayo ka helayo Mareykanka oo doonaya kaliya in la ballaariyo wajiga koowaad waqtigan,halkii wajiga labaad loo gudbi lahaa!

Netanyahu , wuxuu caawa la kulmi doonaa kooxdiisa wada-xaajoodka iyo amniga, markaa oo ay kala dooranayaan in heshiiska lagu socdo ama dib loogu laabto dagaalka, xilli uu toddobaadkii hore sheegay inay ciidanka Israa’iil isku diyaariyeen duullaan culus oo ay xilli walba ku qaadayaan Qasa, laga billaabo wixii caawa ka dambeeya waxay helayaan ikhtiyaar ay weerarro ku qaadi karaan, haddii aysan dhicin wax natiijo ah oo laga gaaro dadaallada dhex dhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar oo doonaya inan dagaalka dib loogu laaban.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio ayaa si deg deg u saxiixay heshiis 3 bilyan oo dollar ah oo ay Israa’iil ku helayso bamnooyin ay ku jiraan MK84 iyo MK82 oo awood u leh inay dhulka ku daraan oo masaafo dheer oo dhulka hoose ahna ku qarxaan, waxaa kalo ay Israa’iil ka helaysa Mareykanka gantaallo iyo noocyo kala duwan oo hub iyo agab militari ah, iyadoo ansixintan uu ku sheegay Rubio inay jirto xaalad deg deg ah loona baahanyahay si dhaqso ah inay Israa’iil ku hesho hubkan..!