Odesa, waxaa magaalada ugu muhiimsan iyo dekedda kaliya ee badda madow oo ku hartay gacanta Ukraine.
Dhinaca kale Sirdoonka Ruushka iyo Shiinaha ayaa billaabay inay dabagal ku sameeyaan shaqaalaha hay’adaha dawladda Mareykanka ee dhawaan shaqada laga saaray iyo kuwa la kulmaya walaac ay ka qabaan in shaqada laga cayriyo, kaddib markii maamul Trump uu soo saaray qorshe ay ku dhimanayaan shaqaalaha.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale xaaladan uga faa’iideysanayaan inay shaqo geliyaan shaqaalahan oo lacago badan loo bandhigo shaqaalaha la aaminsanyahay inay xogo badan ka hayaan xarumaha amniga iyo hay’adaha kale ee Mareykanka ee ka caraysan go’aanka shaqada looga saaray, sida ay sheegtay CNN oo xiganaysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka.